Puntland: Nabaddoon lagu dilay magaalada Gaalkacyo

Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in caawo halkaaasi lagu dilay mid kamid ah nabaddoonnada Gaalkacyo.

Nabaddoonka oo lagu magacaabi jiray Cabdiqani Maxamed Cabdi Baalle ayaa lagu dilay xaafadda Israac ee waqooyiga Gaalkacyo gaar ahaanna nawaaxiga Isbartiimada kadib markii uu ka soo baxay salaadda cishaha sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Weerarka oo ay fuliyeen dableey aan haybtooda la garan ayaa sidoo kale gacan looga dhaawacay nabaddoonka wiilkiisa oo kala soo baxay salaadda waxaana kooxdii dilka geysatay u baxsadeen dhinaca xaafadda Baraxleey ee koonfurta magaalada Gaalkacyo sida ay xaqiijiyeen dad halkaasi ka agdhowaa.

Ciidamada amniga Puntland ee gobolka Mudug ayaa in ka badan 20 daqiiqo kadib halkaasi gaaray iyadoo ilaa iyo haatan lagu guulaysan in gacanta lagu dhigo dableeydii dilka geysatay. Sidoo kale weli ma jirto cid sheegatay weerarka lagu dilay nabaddoonka.

PUNTLAND POST