Mareykanka oo sheegay in 15 katiraan Al-Shabaab uu duqeyn ku dilay

Ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ayaa dilay 15 dagaalyahan oo ka tirsan Al Shabab kadib labo duqeymo oo ay ka sameeyen Somalia, sida lagu sheegay qoraal kasoo bacay taliska howlgallada Mareykanka ee qaaradda Africa magaciisana loo yaqaano AFRICOM

Dagaalyanada ayaa arbacadii iyo khamiistii lagu kala dilay meelo u dhow deegaanada Gendarshe iyo Bariire oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose, sida lagu sheegay qoraalka AFRICOM.

Ma jiro qof shacab ah oo ku dhaawacmay ama ku dhintay duqeynta sida lagu xusay qoraalka.

Mareykanka ayaa ku sheegay duqeymahan kuwo lagu taageerayo howlgalada ka dhanka Al Shabab ee ay ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa nabad ilaalinta AMISOM ka wadaan Somalia.

Puntland Post