Baarlamanka Puntland oo ansixiyay tala-bixin ku saabsan hirgelinta doorasho qof iyo cod ah

Golaha wakiilada dowladda Puntland ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay, tala soo jeedin ku saabsan, hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, kadib markii Baarlamanku ay warbixin ka dhegaysteen guddiga gaadh ah oo loo saaray, in ay soo darsaan qabadaha Puntland ka hor taagan doorashada axsaabta badan.

Guddiga oo ka koobnaa 7 xubnood  ayaa u kuur-galay, sababaha ay Puntland uga qabsoomi weyday doorasho qof iyo cod ah ayaa kadib markii ay warbixin ka dhegaysteen (TPEC), waxay soo jeediyeen, in guddiga doorashooyinka ku meel-gaadhka ah ee Puntland ay sii wadaan shaqada, islamarkaana xukuumaddu ka taageerto, dhaqaalihii ay ku qaban lahaayeen doorashada golayaasha degaanka.

Sidoo kale xildhibaannada ayaa soo jeediyay, in xukuumadda Puntland ay la timaaddo qorshe cad oo dalka looga hirgelinayo, doorasho qof iyo cod ah, maadaama deeq-bixiyaashii taageeri jiray barnaamijkan ay dhaqaalihii ka jarteen kadib markii ay dhinaca xukuumadda ka waayeen qorshe cad oo ay ka leedahay nidaamkan.

Golaha wakiilada dowladda Puntand ayaa dood dheer kadib, waxay cod gacan-taag ah ku ansixiyeen tala-soo jeedinta guddiga gaadhka ah ee xildhibaannada Baarlamanku ay ka soo saareen, hir-gelinta nidaamka axsaabta badan iyo shaqada guddiga doorashooyinka ku meel-gaadhka ah ee (TPEC).

Kulanka oo ay fadhiyeen 48 mudane ayaa waxaa tala-soo jeedinta aqbalay 43 xubnood, 2 xildhibaan ayaa diiday halka 3 kalena ay ka aamustay, waxaana sidaasi ku ansaxay tala-soojeedintii guddiga gaadhka ah ee xildhibaannada Baarlamanku u saareen hir-gelinta nidaanka axsaabta badan.

Halkaan ka akhriso tala-soojeedinta

PUNTLAND POST