RA’IISUL WASAARE KHAYRE: Waxaa naga go’an in dalka aan gaarsiino doorasho qof iyo cod ah

Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somalia, Xasan Cali Khayre oo casho sharaf Muqdisho ugu sameeyay madaxda Garsoorka Dalka, ayaa sheegay in hagaajinta dhaqaalaha dalka, yareynta musuq-maasuqa, horumarinta dawlad-wanaagga, hirgelinta siyaasad lagu wada qanacsan yahay iyo aaminaadda caalamka ay ku xiran yihiin hir-gelinta garsoor iyo cadaalad loo simanyahay oo dadka Soomaaliyeed ay iimaanka ku qabaan.

Kulanka cashada ah oo ay kasoo qaybgaleen Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, Xeer-ilaaliyaha Qaranka, Garsoorka gobalka Banaadir iyo Dowlad-gobaleedyada ayaa muhiimaddiisu ahayd dhiirri gelinta dardar-gelinta qorshaha hagaajinta garsoorka dalka.

Sidoo kale, Khayre ayaa Madaxda Garsoorka ku ammaanay shir sanadeedka ay qabteen, wuxuuna ku dhiirri-geliyay inay joogteeyaan Kulammada ay uga tashanayaan horumainta iyo hagaajinta hannaanka gasoorka dalka.

Dhanka kale, RW Xukuumadda Federaalka ah ayaa sheegay in qof walba, ha ahaado; Oday-dhaqameed, aqoonyahan, siyaasi iyo culummo looga baahan yahay inay ka shaqeeyaa nabadda dalka, isagoo ballan-qaaday inay dalka gaarsiin doonaan doorasho qof iyo cod ah.

Ugu dambeyn, Xasan Khayre ayaa sheegay in warbaahinta looga baahan yahay inay ka qayb-qaatana dhismaha dalkooda, isagoo xusay in kuwa aan doonayn inay dalka dhisaanna looga baahan yahay inay ka aamusaan oo aysan waxba u dhimin.

DHAGEYSO: Hadalka RW Khayre uu u jeediyay Qaybaha Bulshada;

PUNTLAND POST