Xisbiga uu hoggaamiyo Shariif Sh. Axmed oo kasoo hor-jeestay shirka London


Muqdisho (PP) ─
Xisbiyada Waddanka ka jira ayaa si aad ah uga soo horjeestay shirka looga hadalayo shidaalka Soomaaliya ee maanta ka furmaya Magaalada London ee dalka Britain, kaasoo la sheegay in lagu soo bandhigayo shidaalka ku jira Soomaaliya si loo helo shirkad soo saarta.

Xisbiga Himilo Qaran oo uu Hoggaamiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif  Sh. Axmed ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ayaa kaga dalbaday Dowladda Soomaaliya in la joojiyo qabashada shirkaas.

Shirka oo abaabulkeeda ay leedahay shirkadda Spectrum ayaa Himilo Qaran wuxuu sheegay in weli aan la dhameystirin Qodobka 44-aad ee Dastuurka KMG ee ka hadlaya qaybsiga kheydraadka dalka, sidoo kalena aan weli la dhaqan-gelin heshiiskii Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada.

Dhanka kale, Waxaa war-saxaafadeed noocan oo kale ah horay u soo saaray xisbiyada dalka ka jira, waxay kasoo horjeesteen shirkaas, iyagoo sheegay in uu yahay mid lagu xaraashayo shidaal Soomaaliya ku jira oo ku teedsan dhul gaaraya 173,000 KM.

 AKHRISO: Bayaanka kasoo baxay xisbiga Himilo Qaran;

PUNTLAND POST