Madaxweynaha Koonfur-galbeed oo kulan la qaatay Mukhtaar Roobow

Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Koonfur-galbeed C/casiis Xasan Maxamed [Lafta-gareen], ayaa Muqdisho kula kulmay Sheekh Mukhtaar Roobow Cali [Abuu Mansuur] oo dowladda Soomaaliya ay kasoo xirtay Baydhabo sannadkii la soo dhaafay.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur-galbeed ayaa sheegay in kulanku uu ka dhacay guri uu xabsi ku yahay Mukhtaar Roobow oo ay maamusho NISA, kasoo ku yaalla agagaarka xarunta Nabad-sugidda Qaranka.

Sidoo kale, Madaxweyne Lafta-gareen ayaa sheegay in la-sii-dayn doono Sheekh Roobow, isla markaana si hoose loo xalin doono shaqaaqadii  ka dhalatay soo xiristiisii.

C/casiis Lafta-gareen ayaa intaas ku daray in Sheekh Mukhtaar Roobow uu ka raalli-geliyay qaabkii loola dhaqmay iyo dhibaatooyinkii ka dhashay markii lasoo xirayay, isagoo xusay inuu diyaar u yahay in wax kasta oo tabasho ah miiska wada-hadalka lagu dhameeyo.

Dhanka kale, Madaxweynaha Koonfur-galbeed ayaa horay u ballan-qaaday in sida ugu dhaqsiyaha badan loo sii-dayn doono Sheekh Roobow, uuna dib ugu laaban doono Baydhabo oo ah xarunta maamulka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya.

Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa lasoo xiray xilli uu isku diyaariyay inuu ka qayb-galo doorashada madaxnimo ee Koonfur-galbeed oo dhacday daba-yaaqadii sannadkii hore, taasoo uu kusoo baxay madaxweynaha xilka haya ee Lafta-gareen oo la sheegay inay wadatay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Koonfur-galbeed iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa horay u ballan-qaaday inay kuraasta ka dagayaan haddii lasoo dayn waayo Abuu Mansuur oo horay uga soo goostay Kooxda Al-shabaab.

PUNTLAND POST