Hawlgal culus oo xalay ka bilowday magaalada Boosaaso

Hawlgal culus oo amniga lagu xaqiijinayo ayaa xalay ka bilowday magaalada Boosaaso ee xarunt ganacsiga Puntland.

Hawlgalkan oo uu amray madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni waxa hoggaaminaya taliyaha ciidanka Booliiska Gen Muxiyadiin Axmed Muuse.

Taliyaha iyo ciidan uu wato oo ka tegay magaalada Garoowe ayaa shalay gaaray Boosaaso oo maalmahan dambe amnigeedu sii xumaanayey.

PUNTLAND POST