Xarunta Degmada Hawl-wadaag oo dib-u-dhis lagu sameynayo kaddib Weerarkii Al-shabaab

Muqdisho (PP) ─ Ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda, Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta dhagax-dhigay xarunta degmada Howlwadaag oo kooxaha argagixisadu ay la beegsadeen Qarax.

Guddoomiye Xuseen ayaa sheegay in kooxaha argagixisadu aysan marnaba ka weecin karin bulshada Caasimadda jidka horumarka iyo dib-u-dhiska, isagoo xusay in xarunta degmada Howlwadaag ay dib u bilaabi doonto adeegyadii ay shacabka u haysay.

Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa ugu baaqay shacabka iyo ganacsatada ku nool degmada Howlwadaag in ay kaalintooda ka qaateen dib u dhiska xarunta degmada.

“Waxaan u sheegaynaa kooxaha argagixisada ee beegsanaya xarumaha danta guud iyo goobaha ay shacabka iskugu yimaadaan in marnaba aysan naga weecin doonin jidka horumarka iyo in Caasimaddu ay dib ugu soo noqoto bilicdii lagu yaqaanay”.

Sidoo kale Maamulka Degmada Howlwadaag ayaa sheegay in ay ka go’an tahay gaarsiinta shacabka deegaanka adeegyadii kala duwanaa ee laga heli jiray degmada, isla markaana xarunta loo dhisi doono qaab casri ah.

Ugu dambeyn, Maalin ka hor ayay ahayd markii sidan oo kale loo dhigax-dhigay dib u dhiska xarunta degmada Hodan, waxaana xaruumahan xilliyo isku dhaw qaraxyo la beegsatay kooxda Al-shabaab.

PUNTLAND POST