Koox hubeeysan oo wiil dhalinyaro ahaa ku dishay Muqdisho

Kooxo Hubeysnaa ayaa wiil dhalinyaro ahaa waxa ay xalay ku dileen Xaafadda Xariyaale degmada Wardhiigleey ee Gobolka Banaadir.

Goobjoogayaal ayaa inoo sheegay in kooxo bastooladdo ku hubeysnaa ay fuliyeen dilka,islamarkaana ay goobta ka baxsadeen.

Lama oga sababta rasmiga ah oo kooxdaaai wiilka dhalinyarada ahaa ay u dileen.

Goobjoogayaal ayaa inoo sheegay in wiilkaasi uu kamid ahaa dhalinyarada xaafada Xararyaale.

Ciidamo katirsan booliska ayaa goobta gaaray, kuwaa oo hakad galiyay isku socodka dadka iyo gadiidka.

Magaaladda Muqdisho waxaa mudooyinkii dambe kusoo batay dilalka qorshaysan.

PUNTLAND POST