Aqalka Sare ee Baarlamaanka FS oo ka hor-yimid shirka Shidaalka Somalia ee London

Muqdisho (PP) ─ Guddiga kheyraadka, Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka – Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somalia ayaa ka hor-yimid shirka shidaalka Somalia ee London ka furmaya maalinta berri ah oo ay bishaan ku beegan tahay toddoba.

Guddoomiyaha Guddigan, Ilyaas Cali Xasan ayaa war kasoo baxay xafiiskiisa  ku sheegay in shirkan uu yahay sharci-darro, isla markaana Somalia aysan qaban karin shir noocan oo kale ah illaa inta laga ansixiyo sharciga shidaalka dalka.

Sidoo kale, waxaa shirkan kasoo horjeestay xisbiyada mucaaradka ah ee ka jira dalka, kuwaasoo uu ka mid yahay xisbiga WADAJIR oo uu hoggaaminayo C/raxmaan C/shakuur Warsame, iyagoo ku tilmaamay shirka mid la doonayo in lagu xaraasho shidaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Shirkan ayay Dowladda Soomaaliya sheegtay inuu yahay mid lagu beec-geynayo shidaalka Somalia, waxaana magaalada London ee dalka Britain isugu tagay Soomaali fara badan oo diiddan qabashada shirkan.

AKHRISO: Qoraalka kasoo baxay Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somalia;

PUNTLAND POST