Xukuumadda Kenya oo mar kale shaacisay in ay Albaabada u laabayso Xeryaha Dhadhaab

Nairobi (PP) ─ Xukuumadda Kenya ayaa mar kale ku dhawaaqay inay Albaabbada isugu Dhufanayso Xeryaha Qoxootiga Dhadhaab ee Kenya, kaddib markii ay kordheen falal amni-darrada ah ee ka dhaca gudaha dalkaas ee ay geysnaayso Al-shabaab.

Hay’adaha amniga Kenya ayaa sheegay in talaabadan ay timid kaddib markii dadkii dhawaan weeraray Hotel DusitD2 ee Nairobi ay kasoo galeen Kenya dhanka xeryaha qoxootiga Dhadhaab.

Sidoo kale, Waxay sheegeen in waraaqaha Xoogagga Al-shabaab ay kusoo galaan Kenya laga sameeyo xeryaha, taasina ay khatar ku tahay ammaanka guud ee dalka Kenya.

Maxkamadda Sare ee Kenya ayaa Sannadkii 2017-dii ku dhawaaqday inay joojisay go’aankii ay Dowladda Kenya ku doonaysay inay xeryahaas ku xirto, kaddib cabasho ka timid qoxootiga ku nool xeryahaas oo iska fogeeyay eed ahayd inay dugaal siiyaan kooxaha weerarrada ka geysta Kenya.

Garsoore lagu magacaabo John Matibo ayaa sheegay inay diideen go’aankii horey ugu dhawaaqay wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya, Joseph Nkaissery, kaas oo ku saabsanaa in la xirayo xeryaha Dhadhaab.

Ugu dabeyn, Xeryaha Dhadhaab waxaa nool Qoxooti badan oo Soomaaliyeed kuwasoo tiradoodu ay ku dhaw-dahay nus-malyuun qof, kuwaasoo qaarkood dhawaan waddankooda dib ugu soo laabtay, kaddib markii loo sheegay in la xirayo xeryahaas.

PUNTLAND POST