Duqa Gaalkacyo oo amray in boorarka xayeysiinta Af-Soomaali lagu qoro

Duqa Gaalkacyo Yaasiin Cabdisamad

Duqa magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, Yaasiin Cabdisamad Cumar ayaa ku amray dhammaan goobaha ganacsiga, waxbarashada iyo xarumaha kale ee magaalada, in Af-soomaaliga ay u isticmaalan xayeysiinta boorarkooda.

Qoraal wargelin ah ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha, ayaa lagu amray goobaha kala duwan ee ganacsiga, waxbarashada iyo xarumaha kaleba, in Af-soomaaliga lagu daro tabbeelayaasha xayeysiinta xarumaha iyo cinwaanadooda.

Si looga hor-tago in uu dabar-go’ afkeenna hooyo ee Soomaaliga, waxaa lagu wargalinayaa dhammaan ganacsatada, goobaha waxbarashada iyo cid kasta oo albaab u furanyahay, in af-soomaaliga lagu daro tabbeelayaasha xayaysiinta ee goobtu leedahay, lana siiyo muhiimada kowaad ee cinwaanka goobta” ayaa lagu yiri qoraalka. 

PUNTLAND POST

Cabdiraxmaan Ciise Cumar