Qarax gaari loo adeegsaday oo ka dhacay Muqdisho

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa goordhow ka dhacay qarax.

Qaraxan ayaa loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.

Si weyn ayaa looga maqlay maqalka qaraxaan inta badan magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa ka dhacay degmada Xamar-weyne gaar ahaan agagaarka xarunta dowlada Hoose ee Muqdisho.

Waxaa jira khasaaro hayeeshee si rasmi ah looma oga.

Wixii ku soo kordha dib kala soco Insha allah.