Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in halkaasi saaka lagu dilay mas’uulkii mashruuca P&O ee shirkadda DP World u joogay magaalada Boosaaso, Paul Anthony Fermosa.
Sarkaal ka tirsan hay’adaha amniga Boosaaso ayaa Puntland Post u sheegay in dilka mas’uulka uu geystay qof hubaysan oo aan weli la aqoonsan dhinaca uu ka tirsanyahy, gacantana lagu hayo isaga oo dhaawac ah.
Hase yeeshee malayshiyaadka Al-shabaab ayaa qoraal ay soo saareen ku sheegtay mas’uuliyadda dilkaasi.
Mr Paul ayaa madax ka ahaa mashruuca P&O Ports ee shirkadda DP World u qaabilsanaa dhismaha iyo ballaarinta dekedda Boosaaso.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.