Maamule ku xigeenkii P&O ee Dekadda Bososo oo dhaawacmay

Mohamed Osman, P&O

Mohamed Osman oo ahaa maamule ku xigeenkii dekadda Boosaaso ee shirkadda P&O Ports ayaa saaka dhaawac soo gaaray.

Mohamed Osman ayaa la socday maamulihii dekadda Boosaaso ee shirkadda P&O Paul Anthony Farmosa iyo ciidamo ilaalo u ahaa, waxaana iyagoo socod ku maraya qeybta kulluumeysiga ee dekadda xabad ku furay nin Baaskoolad ku hubaysan, waxaana halkaas ku dhintay Paul, halka uu dhaawac soo gaaray Mohamed Osman iyo labo kamid ah ilaaladoodii.

Mohamed Osman oo u dhashay dalka Hindiya, waxaa soo gaaray dhaawac fudud, waxaana saaka la geeyay Isbitaalka International ee Boosaaso, waxayna hadda warar aan la xaqiijin sheegayaan in loo qaaday magaalada Dubai ee dalka Isutaga Imaaraatka Carabta.

Ciidamada ammaanka gobolka Bari ee Puntland ayaa hadda isagoo dhaawac ah gacanta ku haya ninkii dilka iyo dhaawaca geystay.

Masuuliyadda falkan waxaa sheegtay ururka Al-shabaab, oo koox ka tirsan ay ka dagaalamaan buuraleyda Calmadow ee gobolka Bari.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka tacsiyeeyay geerida Paul Anthony Farmosa, waxuuna sheegay in talaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo lug ku yeelata falkaas.

Shirkadda P&O Ports oo qeyb ka ah DP World ayaa 12 October 2017 si toos ah ula wareegtay maamulka Dekadda Boosaaso.

PUNTLAND POST