In ka badan 10-ruux oo ku dhimatay qarax ka dhacay Muqdisho

Faahfaahin hordhac ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho.

Qaraxaan ayaa waxaa uu ka dhacay xaruta Muqdisho Mall oo ah goobo laga tukaameeysto oo ku taalo degmada Xamar-weyne ee Muqdisho.

Warar hordhac ah oo ka soo baxaya qaraxaasi iyo khasaarihiisa ka dhashay ayaa waxa ay sheegayaan in dad ka badan 10 ruux ay ku geeriyoodeen, kuwaas oo ku dhintay dhismo ku soo dumay oo ay ku jireen.

khasaaraha ayaa intaasi ka badan sida ay sheegayaan ilo lagu kalsoonaan karo oo aan ka heleeyno xarumaha caafimaas.

Laamaha amaanka dowlada Soomaaliya wali kama hadlin qaraxaan saakay ka dhacay Muqdisho.

Halka qaraxa uu ka dhacay waxa ay aad ugu dhowdahay xarunta Dowlada Hoose iyo saldhiga degmada Xamar-weyne .

PUNTLAND POST