Gabar Soomaaliyeed oo Aabaheed Maanta Beerka ugu Bixineeyso Hindiya

Hafuus Abdullahi ayaa ka tagtay magaalada Mugdishu taarikhdu markey aheyd 14 Decembar 2018 ayadoo u Baxdey Xaalad Caafimaad Una Aadey Wadanka India Gaar Ahaan Delhi

Hafuus waxey galeysaa qaliin maanta oo Isniin ah Taariikhdu Ku beegan Tahey 4 Febraury sanadka 2019-ka.

Qaliinka ay galeeyso waxaa loo yaqaan (Liver Transplantation)

Beerka waxa uu ka mid yahay, xubnaha ugu muhiimsan nolosha noolaha oo dhan, waxa uu qabtaa shaqooyin dhammaantood lagama maarmaan ah oo khubaradu ku sheegeen illaa 500 oo shaqo, halka qarkoodna ay kumannaan gaadhsiiyaanba.

Shaqooyinkaas tirada badan ee beerka waxaa ka mid ah in uu burburiyo ama jirka ka saaro suntan soo gasha, waxa uu kaalin mug leh ka qaataa shaqada hab-dhiska difaaca, gaar ahaan shiidista maaddooyinka carbon Hydrate ka ah, Bartootiinnada iyo dufanka, sidoo kale dufanka dheeraadka ah ayaa uu jirka ka saaraa iwm,

Cudurka beerka wuxuu naqan karaa mid daran oo Aan daaweyn laheyn ku dhaca beerka kuna Yeesha saameyn Xun.

Wax qabadka beerka xalkiiza waa kaliyah Qofka In beerka Laga Saaro oo beer Cusub Oo Qof Kale Looga soo saarey La siiyo

Hafuus ayaa waxaa beerka muddo bilooyin ah ka xanuunsanaya aabaheed daawadiisa Waxey Naqatey Inuu qaliin galo si Looga badalo Beerka.

Hafuus waxey la xanuunsaneysa aabaheyd Xanuunka uu dareemaayo marwalba Wey la Murugooneysay  waxey go’aansatey Iney aabaheyd ayada beerka u badasho si uu aabe caafimaadkisa ugu so laabto

Dad baadan ayeey la yaab ku naqatey arintaan Qaarkood ayaa is weydiinaya horta beerka qof malo bixin karaa? Beerka Qof waa Lo bixin karaa sida Loo badalo kilyaha Ayaa Isaga na Lo badalaa qeyb Ka mid Ah beerkeeda Ayaa La siinaa aabaheyd

Qalitaanka beerka Inta badan waa lagu guuleystaa In yar mooye

Hafuus Abdullahi waxey gudaneysa waajibkeeda Oo kaliyah waxa nalo dhaley nalo soo Barbaariyey Waalidkeena Dhibaato Badan ayey naga Soo mareyn waxey ku dadaaali jireyn caafimaadkena, Waxey u qadi jireyn si ee anaga cunna noo siiyaan, Farxadeena ayey tooda ka hormariyaan had iyo jeer waalidka xaqooda ma gudi karno kun Iyo koow jeer mJeera nantaha hadey qatar ku Jirto nafta In loo Huro Weliba Qatar Loo Geliyo si noloshooda ay u bad baado.

Gabdhaha iyo wiilasha ayaa la tilmaamaa in ay kala beer jilicsanyihiin marka laga hadlayo dhanka u baari falka waalidka gabdhaha ayaana baarisan ayeey dadka yiraahdaan.

Waalidka gabdha  dhalay ayaa bulshada Muslimka ah ka codsanaya in ay u soo duceeyaan gabadha iyo aabaheed.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post