Mareykanka oo ka hadlay duqeyn Khasaare culus ay ku Gaarsiiyeen Kooxda Al-shabaab

Muqdisho (PP) ─ Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika ee loo yaqaan AFRICOM, ayaa faah-faahin ka bixiyay hawlgal ka dhan Al-shabaab oo ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana Mareykanku uu sheegay inuu hawlgalkaas khasaare xooggan ku gaarsiiyay Al-shabaab.

AFRICOM ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in ciidamada Mareykanka oo kaashanaya kuwa Somalia ay beegsadeen deegaanka Gandarshe oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasoo ay ku sugnaayeen xoogag ka mid ah Al-shabaab.

Sidoo kale, Taliska ayaa sheegay intii hawl-galku socday ay ka qayb-qaateen diyaaradaha aan duuliyaha la heyn ee Mareykanka, laguna dilay duqeyntaas 13 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab, isla markaana ay ku burburiyeen xero ay halkaas ku lahaayeen.

“Dowladda Mareykanka  waxaa ka go’an sii wadidda beegsiga Al-shabaab si ay uga hor-tagaan dhibaatooyinka ay shacabka ku hayaan, iyadoo sidoo kale mar walba la xaqiijinayo inaan khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh uusan soo gaarin shacabka,”  ayaa lagu yiri warka kasoo baxay AFRICOM.

Muddooyinkii dambe ayay diyaaradaha dagaalka Mareykanka waxay duqeyn ka geysanayeen deegaanno kala duwan oo ay Al-shabaab kaga sugan yihiin Somalia, kuwaasoo lagu dilay ciidamo iyo saraakiil ka tirsan Al-shabaab.

Ugu dambeyn, Kooxd Al-shabaab ayaan weli ka hadlin duqeynta uu sheegay Mareykanka inuu ku dilay 13 ka tirsan xoogaggooda, saldhigna ay leeyihiina lagu burburiyay hawlgal ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose.

PUNTLAND POST