Maamulka Gobolka Banaadir oo si rasmi ah u meel-mariyay Qorshe hawleedkiisa 2019-ka

Muqdisho (PP) ─ Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yarisoow) ayaa guddoomiyay kulanka gaar ah oo lagu meel-mariniyey qorshe howleedka Maamulka Gobolka Banaadir ee sanadkan 2019-ka.

Maamulka heer gobol iyo heer degmo ee Gobolka Banaadir ayaa mid mid u dul istaagay qeybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay qorshahan, iyagoona bogaadiyey xeel-dheerayaashii Soomaaliyeed ee asteeyey qorshe taabanaya nolasha bulshada.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa faray dhammaan masuuliyiinta degmooyinka iyo heer Gobolba in laga dhabeeyo fulinta qorshe sannadeedka 2019-ka, isagoona adkeeyey maamul wanaagga iyo in si siman loogu adeego dhammaan bulshada Gobolka Banaadir.

Guddoomiye Yarisow ayaa sheegay in kororka qoondada loo qorsheeyey baahinta adeegyada asaasiga ah, dhisidda kaabayaasha dhaqaalaha iyo ilaalinta bilicda ay ka tarjumayso hiigsiga Maamulka Gobolka Banaadir ee ku aaddan sanadkan 2019-ka.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa xusay dadaallada Maamulka Gobolka Banaadir ee ku aaddan xal u helista dhibaatooyinka nololeed ee dadka barakacayaasha ah iyo qoraheyaasha kale ee dib loogu soo nooleynayo waxbarashada dawladda ee asaasiga ah oo haatan Maamulka Gobolku ay gacanta ku hayaan waxbarashada 12 Kun oo arday.

Ugu dambeyn, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Guddoomiyeyaasha degmooyinka ayaa shacabka Caasimadda kula dardaarmay xoojinta xiriirka ay leeyihiin laamaha amniga, si looga hortago falalka gurracan ee argagixisadu ay maleegayso, sidoo kalena ay ilaaliyaan hanti guud iyo kaabeyaasha dhaqaalaha ee dib u dhiska lagu sameynayo.

PUNTLAND POST