CC Warsame: Dowladda Waxaa laga doonayaa in ay caddeyso nooca doorasho ee dhici doonta

Muqdisho (PP) ─ Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir, C/raxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook wuxuu kaga hadlay qorshahaha doorasho ee dalka uu galayo sannadka 2020-ka, isagoo xusay in la qeexo nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta.

CC Warsame ayaa sheegay in xukunka madaxweynaha Somaia ay ka harsan tahay labo sano, isla markaana ay ka sugayaan madaxda dowladda dhexe iyo madaxda Dowlad-goboleedyada inay si wadajir ah uga shaqeeyaan nooca doorasho ee ka dhaceyso dalka labo sano kadib.

Sidoo kale, Warsame ayaa sheegay in xiligaan oo kale madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud uu cadeeyay nooca doorasho ee Dalka ka dhacday, isagoo sheegay in sidaas oo kale dowladda hadda jirta laga doonayo kama dambeys in bisha lixaad ee sanadkaan cadeyso nooca doorasho ee dhaceysa.

“Labo sano ayaa dhammaatay hoggaanka Dowlada hadda jirtana wax war ah oo doorashooyinka ku aadan lagama hayo. Madaxweyne Xasan Sheekh markii ay labo sano u dhammaatay wuxuu baarlamaanka iyo shacabka ku war-geliyey inaysan suuro-gal ahayn qabashada doorasho qof iyo cod ah,” ayuu yiri CC Warsame.

Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray. “Qorshahaas wuxuu keentay in laga tashado hannaan kale oo beddeli kara doorashada. Dowladduna waa in ugu dambeyn bisha Juun ee sannadkan ay miiska soo saarto qorshe cad oo la xiriira doorashada, haddii kale inaan dalku doorasho u socon ayay tilmaam u tahay.”

Hadalkan ayuu CC Warsame ka sheegay khudbad uu shacabka ugu jeediyay Jaamacadda Bariga Afrika ee Garoowe, waxaana ku war-geliyay buu yiri in muddada harsan ay madaxda Federaalka, Dowla-goboleed iyo xisbiyo xooga isugu geeyaan sidii doorasho loo qaban lahaa, hoggaanka Dalkana waa inuu dadka u run waramaa.

Ugu dambeyn, Hadalka Hoggaamiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir ayaa kusoo beegmayaa iyadoo lagu wado in Jimcaha soo socda ay Dowladdu u dabaal-dagto doorashadii madaxweyne Farmaajo oo ay laba xilligaan ay ka soo wareegay muddo laba sano ah.

PUNTLAND POST