Shirka Madaxda Waddamada Bariga Afrika oo laga yaabo inuu mar kale Dib u Dhaco

Muqdisho (PP) ─ Madaxda dalalka Bariga Afrika ayaa shirkooda sanadlaha ah waxuu uga furmayaa dalka Tanzaniya, Waxaana socoto qaban-qaabada iyo abaabulka shirka.

Shirkan ayaa kusoo beegmaya xilli uu jiro khilaaf ka dhex-taagan Qaar ka mid ah dalalka bariga sida; Burundi iyo Rwanda, iyadoo khilaafkan uu dib u digay shirka laba jeer.

Bishii November ee sannadkii lasoo dhaafay ayay ahayd inuu shirkan furmo, balse wuxuu baaqday kaddib markii ay ka qayb-galkiisa qaadacday Burundi oo ka cababaysa dalka ay dariska yihiin ee Rwanda.

Sidoo kale, Burundi ayaa dhawaan ku sheegtay in dalka Rwanda uu yahay cadawgeeda, iyadoo Dowladda Rwanda ay dhankeeda ka cabanayso waxay ku tilmaantay afduub, jir-dil iyo tarxiil lagula kaco muwaadiniinteeda u safra dalka Uganda ee ay ood-wadaagta yihiin.

Dalka Rwanda ayaan xiriir wanaagsan uusan kala dhexeynin dalka dariska la ah ee Uganda. Iyadoo laga baqdin qabo in Hoggaamiyeaasha Bariga Afrika qaarkood aysan ka qayb-galayn shirkan haddii aan la xallin murannada jira.

Ugu dambeyn, Dalalka Bariga ayaa waxay horay isugu raaceen in dalalkooda aan loo qaadan fiiso marka la isku gudbayo, balse muranka jira ayaa wuxuu caddeyn u yahay inaysan jirin wax heshiis ah oo u dhexeeya madaxda Qaar ka mid ah dalalka Bariga Afrika.

PUNTLAND POST