Mareykanka oo sheegay inuu tiro Al-shabaab ah ku dilay Duqeyn uu ka geystay Soomaaliya

Muqdisho (PP) ─ Taliska ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika, ayaa war uu soo saaray ku faahfaahiyay hawl-gal ka dhan kooxda Al-shabaab oo Arbacadii ka dhacay bartamaha Somalia, kaasoo ay sheegeen inay khasaare xoog leh ku gaarsiiyeen Al-shabaab.

Warka ayaa lagu sheegay in ciidamada Mareykanka oo kaashanaya kuwa Somalia ay bar-tilmaameedsadeen deegaan lagu magacaabo Shabeelley oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Sidoo kale, Taliska Mareykanka ayaa sheegay in hawl-galkan intii uu socday ay ka qayb-galeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka oo loo yaqaan Drones-ka.

Dhanka kale, Mareykanka ayaa sheegay in duqeyntaas ay ku dileen 24-ruux oo ka tirsanaa Al-shabaab, sidoo kalena uu burbur gaaray Saldhiggii ay ku sugnaayeen xoogagga Al-shabaab.

“Xukuumadda Mareykanka waxaa ka go’an inay sii wadidda beegsiga Kooxda Al-shabaab si ay uga hor-tagaan dhibaatooyinka ay shacabka ku hayaan, iyadoo sidoo kale mar walba lao xaqiijinayo inaan khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh soo gaarin dadka rayidka ah,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay AFRICOM.

Ugu dambeyn, Diyaaradaha Dagaalka Mareykanka ayaa mudooyinkii dambe waxay kordhiyeen duqeymaha ay la beegsanayaan Saldhigyada Al-shabaab ay ku leeyihiin Koonfurta iyo Bartamaha Somalia.

PUNTLAND POST