Itoobiya oo markii ugu horreysay Majaraha u Qabtay Hoggaanka Guud ee Ciidanka AMISOM

Muqdisho (PP) ─ Xukuumadda Itoobiya ayaa markii ugu horreysay ku guuleysatay inay hoggaamiso Hawl-galka Midowga Afrika ee Somalia ee lagu Magacaabo AMISOM.

Gen. Tigabu Yilma Wondimhunegn oo kasoo jeedda Itoobiya ayaa si rasmi ah ula wareegay Hoggaanka Ciidamada AMISOM ee Somalia kadib Xafad kooban oo ka dhacday xeradda ciidanka AMISOM ee Muqdisho.

Talyaha cusub ayaa xilka kala wareegay Gen. Jim Beesigye Owoyesigire oo  shaqeynayay tan iyo bishii Janaayo 2018-ka, kana soo jeeda dalka Uganda oo ay ciidamada ee AMISOM ka joogaan Somalia.

Wakiilka Midowga Afrika ee Somalia Francisco Madeira ahna madaxa guud ee ciidamada AMISOM ayaa sheegay inay tahay markii ugu horreysay oo uu taliye ka socda ciidamada Itoobiya la wareego hoggaanka guud ee AMISOM.

Dhanka kale, Tigabu wuxuu ciidanka itoobiya ka tirsanyahay muddo 34-sano ah, wuxuuna kasoo shaqeeyay qaybo kala duwan ay ka mid yihiin; Qaybta dhakhaatiirta, batroolka iyo taliska guud ee ciidamada Itoobiya.

“Hawl-galku waa mid aad u weyn, laakiin aad baan ugu kalsoonahay in aad kasoo bixi kartid hawsha laguu idmaday una leedahay karti iyo aqoon kugu filan,” ayuu yiri ergayga Midowga Afrika ee Somalia, Danjire Madeira.

Ugu dambeyn, Isbedelkan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo ciidamada Burundi ka socda ee AMISOM ka tirsan laga dalbaday iay 1,000 Askari kala baxaan Somalia, taasoo la sheegay inuu Midowga Afrika uu uga dhigayo ciqaab.

PUNTLAND POST