Dabka ka kacay suuqa Bakaaraha ee Muqdisho

War deg deg ah oo goordhow naga soo gaaray suuqa Bakaaraha ee Muqdisho ayaa sheegaya in halkaasi uu dab ka kacay.

Dabka ayaa ka kacay suuqa Dahablaha oo ah suuqa lagu iibiyo dahabka ay haweenka xirtaan.

Halka uu dabkan ka kacay caawa ayaa waxa ay aad ugu dhowdahay halkii dhawaan uu ka kacay dab khasaare hanti yadeed geystay.

Dhowr jeer waxaa soo laa laabtay dab khasaare geystay oo ka kaca gudaha suuqa Bakaaraha ee Muqdisho.

PUNTLAND POST