Faah Faahin : Ganacsade Meydkiisa laga helay Muqdisho

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxeeyso meydka ganacsade lagu dilay Muqdisho.

Falkaan ayaa waxa uu ka dhacay degmada Hilwaa ee Muqdisho.

Dilka ganacsadahan ayaa loo adeegsaday Baangad sida jirkiisa laga dareemayay.

Ganacsadahaan ayaa magaciisa lagu sheegay Cali Laami waxaana uu kamid ahaa ganacsatada xoolaha nool ka ganacsada.

Ciidamada amaanka ayaa goobta soo gaaray oo wada baaritaano ay ku ogaanayaan cida falkaasi ka dambeeysay.

Muqdisho waxaa ka dhaca dilal arga gax leh taasi oo aan lagaran cida ka dambeeysa.

PUNTLAND POST