Waxaa xeebaha Jabuuti laga helay maydadka ilaa 35 kamid ah dad ku dhintay dooni ay la socdeen dad muhaajiriin ah oo ku safrayay xeebaha dalkaas.
Doonidan ayaa shalay ku degtay xeebta Obokh ee dalka Jabuuti, sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan socdaalka muhaajiriinta ee IOM, waxaana iyagoo badqaba la badbaadiyay 16 qof.
Dalka Jabuuti ayaa waxaa wali ka socda howl-gal lagu samata-bixinayo dadka la la’yahay ee saarnaa doontaas.
Doonta degtay ayaa ka mid ahayd laba doonyood oo la sheegay inay wadeen dad gaaraya 130 qof oo Afrikaan ah, kuwaas oo u socday dalka Yemen.
Dalka Jabuuti ayaa muddooyinkii u dambeeyay noqday marin ay kasii tallaabaan muhaajiriinta ku wajahan kacanka Cadmeed.
Sanadkii hore ayay hay’adda IOM sheegtay inay xeebaha Jabuuti ku dhinteen dad ka badan 150 qof oo muhaajiriin ah.
PUNTLAND POST