Maxaad ka og-tahay heshiiskii Muqdisho ee ay collaada kaga bad-baadeen Uganda iyo Tanzania 1972?

Madaxweynaha Dalka Uganda Yuweri Museveni oo isniintii ka hadlay shirka garsoorayaasha sanadlaha ee dalkiisa oo ka dhacay caasimada Kampala, ayaa tusaale usoo qaatay inay Soomaaliya kamid tahay Dalal aysan Dawladi ka jirin.

“Waa maxay Dawlad?, Dawladu waa ka duwan tahay Wadan, way ka duwan tahay qaran, Wadanku waa dhulka aad awoodiisa leedahay, qarana waa dadka asal ahaan kasoo jeeda”

“Dawlad waxaa loola jeedaa awood abaabulan oo dalka ka jirta. Sidaa darteed waxaad haysan kartaa wadan aan dowlad lahayn. Waxaan doonayaa in aan ida siiyo tusaalooyin meel uu ka jiro waddan, laakiin aan Dawlad lahayn”

“Ma jirto awood abaabulan oo ka taliya dhulkaas, Soomaaliya ayaa ah tusaale wanaagsan oo kamida, waxaa jira wadamo kale oo tira badan oo tusaale ah (laakiin) sababo diblomaasiyadeed awgeed ma rabo inaan sheegno.” ayuu yiri Madaxweyne Museveni.

Sidee Dadka Soomaaliyeed uga falceliyeen arintan

Dadweynaha Soomaaliyeed ayaa si adag uga falceliyey hadalka kasoo yeeray Madaxweynaha Wadanka Uganda, waxayna sheegeen iyagoo qoraalo kusoo bandhigay baraha bulshada inuu Madaxweyne Museveni u gefey Dawladnimada Soomaaliya ayna tahay inuu hadalkaas raali gelin buuxda ka bixiyo.

Heshiiskii nabada Muqdisho(Mogadishu peace Accord 1972) 

Hadii aan dib u eegno 1972, hogaamiyihii hore ee Uganda Ida Amin Dada ayaa bilaabay inuu madaafiic ku garaaco qaybo kamida wadanka Tanzania, sidoo kale Dawlada Tanzania ayaa isu diyaarisay inay duullaan adag oo aargoosasho ah ku qaado wadankaas, ururkii midnimada Africa oo farageliyey arintan ayaa ku guul-daraystay inuu wax ka qabto.

Heshiiskii loo yaqaaney heshiiskii nabada Muqdisho (Mogadishu peace Accord) ayaa 5-tii October, 1972 ay labadaas wadan ku kala saxiixdeen magaalada Muqdisho, waxaana heshiiska fududeeyey xukuumadii uu hogaaminiyey madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre, heshiiskaas ayaana dalalkaas ka bad-baadiyey dagaal ba’an oo dhimasho iyo burbur weyn geysan lahaa.

Hehiiskaas waxaa kamid ahaa afar qodob oo waaweyn, kuwaas oo kala ahaa:- 

1. In la joojiyo dhamaan dhaq-dhaaqyada ciidan ee ay isaga soo horjeedaan labada dhinac, lana kala qaado dhamaan ciidamada hubaysan ugu dambayn 19-ka October, 1972, iyadoo la kala geynayo masaafo aan ka yarayn 10-kiilomitir inta ay isu jiraan xuduudaha labada Dal.

2. in la joojiyo dacaayadaha hurinta collaadaha ee ka baxa warbaahinada labada Dawladood sida telefishinada, idacaadaha iyo wakaaladaha wararka.

3. in la joojiyo in ciidamada labada Dal ka hawlgalaan xuduudaha u dhexeeya wadamadan, si looga hartago isku dhacyo iyo in collaad dib usoo cusboonaato.

4. Ugu dambayntii siideynta muwaadiniinta ama hantida, haddii ay jiraan, ee ay kala qabsadeen labadda Dawladood intii ay dagaaladu socdeen.

PUNTLAND POST