Garowe: Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo oo dib ugu laabtay Muqdisho

Madaxweyne Farmaajo oo ka duulay Garowe

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta galinkii dambe dib ugu laabtay magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, ku-xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland iyo ku-xigeenadiisa, qaar kamid ah goleyaasha Puntland,  iyo masuuliyiin kale ayaa Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigii la socday ku sii sagootiyay garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee Garowe.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo warbaahinta la hadlay intii aysan duulin wafdigii Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in dowladda Puntland iyo shacabkeedaba si sharaf iyo wanaag ku jiro ku sagootinayaan Madaxweynahooda ummadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in fursad qaaliya ay u ahayd Madaxweynaha DFS ka qayb-galka caleema-saarka madaxda Puntland, maadaama ay sabab u noqotay kulamo wax ku ool ah oo uu la qaatay dowladdaha xubnaha ka ah DFS.

Dhinaca kale Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shacabka iyo dowladda Puntland uga mahadceliyey soo dhoweynta habmaamuus kale ee ay marwalba ku sharfaan iyo sagootinta gebagebada safarkiisa, wuxuuna xusay in isaga iyo madaxda dowlad goboleedyadu ay dib ugu soo laaban doonaan Garowe.

PUNTLAND POST