Dhallinyaro Doonayay inay ka mid Noqdaan Ururka Al-shabaab oo Gacanta lagu Dhigay

Nairobi (PP) ─ Booliiska Kenya ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen koox dhalinyaro ah oo loo qorayay Al-shabaab, kaddib hawl-gallo ballaaran oo ay ka sameeyeen gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya.

Saraakiisha booliiska ayaa sheegay in dhalinyarada la qabtay ay isugu jiraan rag iyo dumar, isla markaana ay ku hawllanaayeen abaabul ay doonaayeen inay ugu biiraan xoogagga kooxda Al-shabaab ee ka dagaallanta Somalia.

Taliyaha booliiska Kenya ayaa warbaahinta u sheegay in dhalinyaradaan lagu soo qabtay deegaanno ay ka mid yihiin kuwa Waqooyi-bari Kenya iyo kuwo kale oo ku yaalla maamullada kale ee Kenya.

“Dhallinyarada aan qabannay waxay ahaayeen kuwo wax-bartay, waana kuwo aan haysan wax shaqooyin ah,” ayuu yiri taliyaha oo xusay inay filayaan in baaga-muudadu ay sabab u tahay inay u doorteen inay Kooxda Al-shabaab ugu biiraan.

Sidoo kale, Wuxuu sheegay inay ku raad-jooggaan xubno la aaminsan yahay inay qaabilsan yihiin qorista dhallinyarada ku biiraysa Al-shabaab oo Kenya ku sugan, inkastoo uusan sheegin magacyadooda iyo goobaha ay tuhmayaan inay ku sugan yihiin.

Hadalka taliyaha booliiska Kenya ayaa wuxuu imaanayaa xilli toddobaadkii ka hora ay kooxda Al-shabaab weerar khasaare badan geystay ku qaadeen hoteel ku yaalla deegaanka Westland ee magaalada Nairobi, kaasoo ka mid noqoday weerarradii ugu khasaaraba badnaa ee Kooxda Al-shabaab ay ku qaado Kenya.

Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa sannadihii ugu dambeeyay dagaalyahanno ka helaysay dalka Kenya, kuwaasoo qaarkood dib ugu laabtay Kenya kaddib markii ay cadaadis kala kulmeen Al-shabaab iyo kuwo kale oo dagaallada ku dhintay.

PUNTLAND POST