Caro ka dhalatay hadal uu Madaxweynaha Uganda ku duray Dowladnimada Soomaaliya

Kampala (PP) ─ Dood weyn ayaa ka dhalatay hadal kasoo yeeray madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni oo baraha bulshada qabsaday, kaasoo uu ku sheegay Somalia aysa ka jirin dowlad gabi ahaan waddanka maamusha.

Hadalkan ayuu Museveni ku sheegay khubad uu u jeedinayay hay’adaha garsoorka dalkiisa, waxaana jiray waddamo kale oo uu sheegay inaysan ka jirin dowlado awood leh, balse uu diiday inuu magacyadooda xuso sababo la xiriira dhanka dublamaasiyadda.

“Waxaa jira dalal badan oo aanay ka jirin dowlado awood leh, waxaanan u soo qaadan karnaa tusaale Somalia,” ayuu yiri Museveni oo intaas ku daray inuusan jecelayn inuu carrabka ku dhufto Waddamada kale ee la midka ah Somalia.

Hadalka Museveni ayaa dhaliyay caro, waxaana saacaddihii lasoo dhaafay bulshadda Soomaaliyeed ay u muuqdeen kuwo si weyn u cambaareynaayay hadalka Madaxweynaha dalka Uganda.

Sidoo kale, Warbaahinta Mucaaradka Uganda ayaa iyana dhankooda si weyn u cambaareeyay hadalka Madaxweyne Museveni uu ka sheegay Soomaaliya, iyagoo ku tilmaamaayay hadal gef iyo meel-ka-dhac ku ah Somalia oo ay ku sugan yihiin ciidammo ka socda Uganda.

Ma ahan markii ugu horreysay oo uu sheego madaxweynaha Uganda inaysan Somalia ka jirin dowlad awood leh, balse hadalkii shalay ayaa noqday mid ka duwan kuwii ka horreeyay, maadaama xilligan Somalia ay u muuqato dal soo kabanaya.

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Somalia ayaan weli wax jawaab ah ka bixin hadalka kasoo yeeray Museveni oo ay dad badan oo Soomaaliyeed u arkaan mid meel-ka-dhac ku ah Ummadda Soomaaliyeed, sidaas oo ay tahayna ay ciidamada Uganda ee Muqdisho ku sugan ay ka hawlgalaan ilaha dhaqaalaha dalka sida Garoonka iyo Dekedda iyo iyagoo ilaaliya xarunta madaxtooyada Somalia ee Villa Somalia.

Ugu dambeyn, Uganda ayaa waxaa Somalia ka jooga ciidammo gaaraya 6,223 oo askari, kuwaasoo ka tirsan hawlaha Midowga Afrka ee AMISOM, waana dalkii ugu horreeyay oo Afrikaan ah oo ciidammo keena Somalia sannadkii 2007-dii oo Muqdisho ay ahayd goob colaadeed.

PUNTLAND POST