Ra’iisul wasaare kheyre oo u ambabaxay Nairobi

Ra’iisl wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa goordhow u ambabaxay magaalada Nairobi ee caasimada wadanka Kenya.

Xasan Cali Kheyre ayaa casuumaad ka helay madaxweyne Kenya Uhuru Kenyatta, waxayna labada masuul kawada hadli doonaan aririmo la xariira xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya

Arrimaha ugu weyn ee socdaalkan ayaa waxa uu yahay in ay ka wada hadlaan labada masuul eedeyn dhawaan ka soo yeertay dowlada Kenya oo ku aadaneyd in hubka dowlada Soomaaliya lagu weeraray Hoteel Kenya ku yaalo.

Sidoo kale waxa ay isla soo hadal qaadi doonaan la dagaalanka Al-Shabaab.

PUNTLAND POST