Deni wuxu haystaa 2 todobaad oo keliyah in uu soo dhiso xukuumadda

Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta waxaa u bilowday 14 cisho oo Baarlamanku ugu kordhiyay in uu ku soo magacaabo xukuumaddisa.

Madaxweyne Deni ayaa Dastuuriyan haystay mudda 21 maalmood ah in uu ku soo dhiso golaha xukuumadda cusub, hase yeeshee mudane Deni ayaa awoodi waayay in uu wakhtigaasi ku magacaabo golaha.

Madaxweynaha ayaa hadda haysta mudda 2 todobaad oo keliya taasi oo ah wakhtiga Baarlamanku u kordhiyay waxaana laga war-sugayaa xukuumadda uu soo dhisayo.

PUNTLAND POST