Wararka ka imaanaya gobolka Bari ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo dagaal culus oo u dhexeeya malayshiyaad ka kala tirsan Daacish iyo Al-shabaab ee ku wada-sugan buuraleyda degmada Qandala ee gobolkaasi.
Dagaalka oo shalay bilowday ayaa ilaa iyo haatan ka socda buuraleyda Marshaad ee koonfurta magaalada Qandala hase yeeshee wax faahfaahin lagama hayo khasaaraha ka dhashay sida ay soo sheegeenayan dadka degaanka.
Malayshiyaadka Daacish iyo Al-shabaab ee ku wada-sugan buuraleyda Qandala ayaa hore ugu dagaallamay degaanno hoosyimaada gobolka Bari gaar ahaanna buuraleyda Qandala.
PUNTLAND POST