Madax kulan gaara ku yeelatay Garowe

Kulankii Quraacda

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa saaka quraac sharafeed ugu sameeyey qasriga Madaxtooyada Puntland Madaxweynaha dowladda Fadaraalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada.

Sidoo kale kulanka quraacda waxaa ka qayb galay, Guddoomiyaha Aqalka sare ee Soomaaliya, Madaxweyne ku-xigeenka Puntland  Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Shariif Shiikh Axmed, Madaxweynihii hore ee Puntland ahna Senator Cabdiraxmaan Faroole iyo masuuliyiin ka tirsan goleyaasha federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Kulanka quraacda kadib, ayaa madaxdu qaateen kulan gaara oo looga hadlay arrimo quseeya Soomaaliya, wuxuuna ahaa kulan aan warbaahin loo ogolayn.

Sida aan wararka ku helayno kulanka gaarka ah ayaa looga hadlay arrimo ay kamid yihiin sidii loo xalin lahaa kkilaafka dowladda dhexe iyo qaar kamid dowlad goboleedyada, waxaana wararku sheegayaan in arrintaas dhameynteeda loogu ballamay kulan dambe oo ka dhici doona magaalada Muqdsho.

Kulanka lagu xalin doono khilaafka labada dhinac ayaa wararku sheegayaan in uu dib ka shaacin doono Madaxweynaha Soomaaliya Maxammed Cabdulaahi Farmaajo.

PUNTLAND POST