Xafladda caleema-saarka madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) ayaa ka socota xarunta madaxtooyada magaalada Garoowe.
Munaasabadda waxaa ka qeyb-gelaya madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, madaxweynayaashii hore ee Sheikh Shariif Sheikh Axmed iyo Xassan Sheikh, madaxda maamul goboleedyada dalka, Ra’ iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cali Maxamed Geeddi, madaxweynayaashii hore ee Puntland, Cabdiraxmaan Faroole & Cabdiweli Gaas iyo ku xigeenadoodii, mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha Baarlamanka iyo wasiirada heer Federaal iyo maamul goboleed, safaaradaha dalalka qaarkood, xubno ka socda IGAD, Midowga Afrika, UNSOM iyo marti sharaf kale.
PUNTLAND POST