
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa haatan soo gaaray magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.
Wefdiga madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Garoowe ee Gen Maxamed Abshir ku soo dhoweeyay, madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha dowladda Puntland iyo dad shacab ah.
Wefdiga madaxweynaha ayaa hadda loo soo gelbinayaa gudaha magaalada Garoowe, gaar ahaanna barxadda weyn ee caasimadda oo uu kula hadli doono qaar kamid ah shacabka oo ku sugaya.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.