Madaxweyne Farmaajo oo si diiran loogu soo dhaweeyay Garowe

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Garowe ee caasimadda dowladda Puntland.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa ku soo dhaweeyey garoonka Jeneraal Maxamed Abshir ee Garowe Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, K/xigeenkiisa, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo masuuliyiin kale oo heer Federaal iyo heer Puntland ah.

Sidoo kale, Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa salaan ugu istaagay boqolaal shacab ah oo isugu soo baxay fagaarayaasha magaalada Garoowe ee Barxada kuwaas oo lulayay calanka Soomaaliya iyo kan Puntland, kuna dhawaaqayay ereyo ay ku muujinayan soo dhaweynta Madaxweynaha iyo wafdigiisa.

Madaxweynaha oo shir saxaafadeed ku qabtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in wada jir loo abbaaro xaqiijinta himilooyinka shacabka Soomaaliyeed iyo dib u dhiska dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku ammaanay shacabka iyo hoggaanka Puntland isku duubnida, isaga oo bogaadiyay doorashadii hufnayd ee ka qabsoontay Puntland.

Dhanka kale Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha iyo dhammaan wufuud heer Federaal ee soo ajiibay casumaadda uu u fidiyey.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qayb-galaya xafladda caleema-saarka Madaxweynaha cusub ee Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo ku xigeenkiisa Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash), iyadoona uu kulammo la qaadan doono masuuliyiinta iyo waxgaradka Puntland.

Puntland Post