Wufuud timi Garowe iyo dhacdooyin ugub ah oo dhacay

Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay garoonka Gen. Maxmed Abshir ee Garowe

Magaalada Garowe ee xarunta Puntland waxaa maanta soo gaaray wufuud kala duwan oo ka qeyb-galaysa caleema-saarka Madaxweynaha cusub ee Puntland Siciid Cabdulllahi Deni.

Waxaa garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee Garowe maanta si kala duwan loogu soo dhaweeyay Madaxweynayaasha Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug, kuwaas oo kala hogaaminayay wufuud ay kamid yihiin Xildhibaano iyo Wasiirro ka tirsan maamuladaas.

Waare iyo Deni

Garoonka diyaaradaha waxaa masuuliyiintaas ku soo dhaweeyay Madaxweyanaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, iyo ku xigeenkiisa, Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland, Wasiiro, Xildhibaano, Sarkiisha ciidamada kala duwan ee Puntland iyo Ururrada bulshada rayidka ee magaalada Garowe.

Madaxweynaha Koonfur galbeed-Garowe

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxmed Islaam, Madaxweynaha Hishabeelle Maxamed Cabdi Waare, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Maxamed Lafta-gareen iyo Madaxweynaha Galmudg Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo mid walba markii uu yimi warbaahinta la hadlay ayaa dowladda Puntland iyo shacabkeeda uga mahadceliyay soo dhaweynta wanaagsan ee loo sameeyay.

Deni iyo Xaaf

Sidoo kale waxaa maanta Garowe yimid wafdi isigu jira Wasiirro iyo Xildhaabo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana kamid ahaa Wasiirka arrimaha dibada Axmed Ciise Cawad, waxayna hor-dhac u ahaayeen Madaxweyne Farmaajo oo berri ku soo wajahan Garowe

Dhanka kale waxaa Garowe yimid Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxmuud oo hadana ah Guddoomiyaha xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka iyo wafdi la socday oo isugu jiray golaha fulinta ee xisbiga iyo Xildhibaano labada Aqal ee Baarlamaanka ka tirsan.

Deni iyo Xasan Sheekh, garoonka diyaaradaha Gen. M. Abshir

Waxaana garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee Garowe ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Puntland  Saciid Cabdullaahi Deni, ku xigeenkiisa, Guddoomiyaha Baarlamaanka, xildhibaano ka tirsan Puntland iyo dad kale.

Xasan Sheekh iyo fanaanada Xaliimo Gobaad oo wada socday

Sidoo kale waxaa isna maanta Garowe lagu soo dhaweeyay Guddoomiayaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah shakhsiga xiisaha gaar ah u yeelay xafladda caleema-saarka madaxweynaha cusub ee Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

CC Shakuur iyo Deni, garoonka diyaaradha Gen. M. Abshir, Garowe.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si lamid ah masuuliyiintii kale waxaa u soo dhaweeyay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, ku xigeenkiisa, Guddoomiyaha Baarlamaanka, siyaasiyiin iyo dad kale.

Maalinta berri oo sabti ah ayaa la filayaa in ay yimadaan Garowe wafdi uu hogaaamniyo Madaxweyne Farmaajo, madax hore oo Soomaaliyeed iyo wufuud kale oo ka kala socota dalalka deriska iyo beesha caalamka.

Dhacdooyin ugub ah oo dhacay.

Maanta intii lagu guda jiray soo dhaweyntii loo sameynayay wufuudii ka soo dageysay garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee Garowe, waxaa dhacay dhowr dhacdo oo ku cusub Puntland.

Tii ugu horeysay ayaa ahayd marii Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxmed Islaam (Axmed Madoobe) uu la soo dagey ciidamo fara badan oo aad u qalabaysan, kuwaas oo tira ahaan dhanaa soddon (30) askari, waxaana markiiba lagu wareejiyay labo kamid ah gaadiidka dagaalka Puntland.

Ciidamo uu watay Madaxweynaha Jubbaland, Garowe

Horey Puntland ugama dhicin in madaxda dowladd goboleedyadu ay la yimaadaan ciidamo gaara, lama yaqaan sababta ku kaliftay in Axmed Madoobe uu ciidamo farbadan u soo kaxaysto Garowe oo ku caan baxday amni badi.

Dhacdadii labaad ayaa ahayd markii, Taliyaha ciidamada Booliska Puntland Gen. Muxiyadiin Axmed Muuse uu warbaahinta u sheegay in aan la baahin karin wararka Cabbdiraxmaan Cabdishakuur iyo cid walba oo mucaarad ku ah Dowlada Soomaaliya, walow amarkaasi uusan shaqeyn markii dambe.

Sidoo kale gudaha garoonka diyaaradaha ayaa laga saaray dad watay astaamo iyo calamo halku dheg u ahaa xisbiga uu hogaamiyo Cabbdiraxmaan Cabdishakuur ee Wadajir.

Cabbdirahmaan Cabdishakuur ayaa markii uu soo gaaray Garowe loo ogolaan in uu hadal jeediyo, lamana yaqaano sababta loogu diiday, maadaama la casumay.

Shalay ayay ahayd markii Garowe lagu soo dhaweeyay labo haween ah oo mid walba sheegatay in ay tahay Guddoomiyaha ururka haweenka qaranka Soomaaliyeed.

PUNTLAND POST