Dab khasaare geystay oo ka kacay suuqa weyn ee Muqdisho

Dab khasaare hantiyadeed geystay ayaa xalay saqdi dhexe ka kacay suuqa weyn oo ah suuq ku yaalo degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Dabka oo la sheegay in uu koronto ka dhashay ayaa baa bi iyay goobo badan, waxaana lagu guuleystay in dambkaasi la damiyo goor dambe.

Dabka ayaa ku sii faafayay goobo badan waxaana uu sababay khasaare hantiyadeed oo aad u badan

Dhowaan ayey aheyd markii dab khasaare hantiyadeed geystay uu ka kacay suuqa weyn ee Bakaaraha Muqdisho.

PUNTLAND POST