Ciidammo ka tirsan kuwa Dowlad-goboleedka Jubbaland oo Maanta lagu dilay Qarax Miino

Kismaayo (PP) ─ Ugu yaraan Siddeed Askari oo ka tirsanaa ciidanka Jubbaland ayaa ku geeriyooday Qarax miino oo maanta barqadii ka dhacay inta u dhexeysa degmooyinka Afmadow iyo Dhoobley oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Goobjoogayaal la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in gaarigii ay miinadu la qaraxday uu gabi ahaantiis gubtay, sidoo kalena ay dhinteen dhammaan askartii saarnaa oo aysan jirin cid dhaawacantay.

Sidoo kale, Gaariga ay miinada la Qaraxaday ayaa ka mid ahaa ka mid ahaa Kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidanka Jubbaland ay leeyihiin, wuxuuna ahaa weerarka midkii ugu khasaare badnaa ee dhawaanahan lala beegsado ciidamada Jubbaland.

Ciidamadan ayaa ka mid ahaa kuwa ka qayb-qaadanayay xaqiijinta Amnig degmada Dhoobleey muddadii uu halkaasi ku sugnaa Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe iyo mas’uuliyiiin uu hoggaaminayay oo kulamo ku aadan amniga iyo doorashada Jubbaland la qaadanayay bulshada ku nool Dhoobleey.

Dhanka kale, Saraakiisha Ammaanka Jubbaland ee degmada Afmadow oo la hadlay VOA-da ayaa ka goobsaday inay faahfaahin ka bixiyaan qaraxa miino ee maanta lala beegsaday ciidamada Jubbaland.

Inta badan dhulka bannaanka ka ah degmooyin ay ka arrimiyaan ciidamada Jubbaland, waxaa ku sugan Al-shabaab kuwaasoo xiliyada qaar ciidammada Jubbaland la beegsada Qaraxyo miino oo khasaare badan dhaliya.

Ugu dambeyn, 19-kii bishan ayay ahayd markii ay Kooxda Al-sabaab weerar isugu jiray qaraxyo iyo mid toos ah ay ku qaadeen saldhig ay ciidanka Jubbaland iyo kuwa DF ku leeyihiin deegaanka Baar-Sanguuni ee Gobolka Jubbada Hoose.

PUNTLAND POST