Wufuud kala duwan oo maanta ku soo wajahan Garowe

Magaalada Garowe ee xarunta Puntland waxaa saacadaha soo socda soo gaari doona wufuud kala duwan oo ka qeyb-gali doonta caleema-saarka Madaxweynaha cusub ee Puntland Siciid Cabdulllahi Deni.

Wufuuda la filayo in ay maanta ka soo degi doonta garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee Garowe waxaa kamid ah Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdillahi iyo wafdi uu hogaaminayo iyo Wasiiro ka tirsan Federaalka

Musuuliyiintan ayaa garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee Garowe loogu sameyn doonaa soo dhaweyn ballaaran oo ay ka qeyb gali doonaan madaxda sare ee Puntland.

Magaalada Garowe ee caasimada Puntland ayaa laga dareemayaa qaban-qaabada soo dhaweynta masuuliyiintan, iyadoo ammaan-kana loo adkeeyay si aada.

Waxii warar ah ee ku soo kordha, halkan ayaad kala socon kartaa.

PUNTLAND POST