Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida, Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) ayaa ka baaqday, xafladda caleema-saarka madaxweynaha Puntland oo lagu casumay.
Mudane Cagjar ayaa sida ilo’xog ogaal ah sheegayan wuxuu xiriir la soo sameeyay, madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni isagoo ka cudurdaartay, in uusan imaan karin xafladda caleema-saarka.
Wararku waxay sheegayaan in xiisadda siyaasadeed ee ka aloosantay dowlad degaanka ay mr Cagjar u suur-gelin wayday, ka qeybgalka caleema-saarka madaxweyne Deni, islamarkaana uu sidaas uga cudurdaartay.
PUNTLAND POST