Kenya oo sheegtay in hubkii lagu weeraray Dusit D2 ay laheyd DFS iyo dowlada oo beenisay

Dowlada Kenya ayaa sheegtay in qaar kamid ah hubkii lagu weeraray Hotelka Dusit D2 ee Nairobi ku yaala in ay laheyd dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wargeyska Daily Nation oo soo xiganaya saraakiil ka tirsan Booliska Kenya ayaa sheegay in 3 kamid ah qoryihii 5-ta ahaa oo ay kooxihii weerarka ku qaaday hoteelkaasi ay wateen hub ay leedahay dowlada Soomaaliya.

Saraakiisha ayaa u sheegay Wargeyska in baaritaano ay sameeyeen ay arintaasi ku ogaadeen.

“Dowlad kasta waxa ay leedahay sumad ay u isticmaasho hubkeeda qoryihii laga helay 14 Riverside Drive waxaa ka muuqday sumadda ‘SO’ oo ah calaamada ay isticmaalaan ciidamada Dowlada Soomaaliya.”ayaa lagu daabacay Wargeyska Daily Nation.

Dhinaca kale waxaa warkaan beeniyay dowlada Soomaaliya, Cabdi Siciid Muuse  oo ah la tiliyaha dhanka amniga ee maaxweynaha Soomaaliya ayaa arintaasi ku tilmaamay mid aan waxba kajirin, waxaa uu sheegay in Kenya aanay heeynin cadeymo lagu kalsoonaan karo.

Al-Shabaab ayaa sheegatay weerar ka dhacay magaalada Nairobi ee caasimada Kenya.

Dhowr jeer oo hore ayaa dowlada Soomaaliya lagu eedeeyay in hubka dowlada uu gacanta u galo Al-Shabaab.

PUNTLAND POST