WASIIR MAAREEYE: Dowladdu way la socotaa in Ganacsatadu ay Lacago siiyaan Al-shabaab


Muqdisho (PP) ─
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Somalia, Maxamed Cabdi Xayir [Maareeye] ayaa wrabahinta u sheegay in dowladda Somalia ay la socoto ganacsato Soomaaliyeed oo dhaqaale ku taageera Al-shabaab, isagoo xusay in sababta ay ganacsatada dhaqaalaha u bixiyaan ay tahay sidii ay naftooda u badbaadsan lahaayeen.

Wasiirka waxaa uu sheegay in ay tahay wax cad oo aan qarsooneyn in Al-shabaab goob kasta oo furan ay ka qaataan dhaqaallo joogto ah, taasoo uu ku tilmaamay inay qayb ka tahay dhibaatooyinka ay kooxdan ku hayaan shacabka Soomaaliyeed meel walba oo uu joogo.

“Runtii waa mid cad in ganacsatada Soomaaliyeed ay bixiyaan dhaqaale ay ku furanayan naftooda, cid walba waa og-tahay. Waana la og-yahay in Al-shabaab ay dhaqaale ka qaadato goobta kasta oo furan,” ayuu hadalkiisa ku daray Maareeye.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay in Maareeye ayaa sheegay in Wasaaradda Amniga DF looga fadhiyo inay wax ka qabato dhaqaallaha ay Al-shabaab ay ka hesho ganacsatada Soomaaliyeed, si buu yiri loo curyaamiyo dhaqaalaha ay kooxdan hesho.

“Ganacsatada way nooga sheekeeyaan dhibaatooynika ay kooxdan xagjirka ah ku hayso, balse waxaan uga baahannahay ganacsatada inay mar kaliya iska diiwaan dhaqaalaha ay siiyaan Al-shabaab, taasoo soo afjari karta gabi ahaan awoodda kooxda,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Dhanka kale, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha DF, ayaa ku eedeeyay Golaha Wasiirrada Somalia inay ka gaabiyeen Meel-marinta Guddiga Tayo-dhowrka badeecadaha Somalia la keeno oo ay soo gudbisay Wasaaradda Ganacsiga, isla markaana muddo bilooyinka ah uu yaalla xafiiska Ra’iisul Wasaare Khayre.

Ugu dambeyn, Hadalka wasiirka ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo horay ay Dowladda Somalia u sheegtay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono ruux walba oo dhaqaale siiya Al-shabaab, inkastoo amarkaas aysan jirin wax ka fulay tan iyo markii lagu dhawaaqay.

DHAGEYSO; Codka Wasiirka Gancsiga iyo Warshadaha Soomaaliya;

PUNTLAND POST