Baarlamanka dowladda Puntland ayaa cod aqlabiyad ah ku mee-mariyay, codsi uga yimid madaxweynaha cusub oo ka dalbaday, in mudda kordhin loogu sameeyo wakhtiga laga doonayo in uu soo dhiso golihiisa xukuumadda.
Madaxweyne Siciid Cabdullaahi deni oo saaka hor tegay golaha wakiilada ayaa sheegay, in ay la soo darseen duruufo siyaasadeed iyo amni oo u suura-gelin waayay, in uu wakhtiga dastuuriga ah ku soo dhiso xukuumadda cusub, waxaana uu dalbaday mudda kordhin 14 cisho ah oo ka bilaabata 28-ka bishan Jannaayo.
Baarlamanka aya cod gacan-taag ah ku ansixiyay codsiga madaxweynaha, kadib markii 45 mudane aqbashay, halka 4 xildhibaan ay ka aamustay mid kalena uu diiday,sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha golaha wakiilada, Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo).
PUNTLAND POST
Cabdiraxmaan Ciise Cumar