GUDDOOMIYE MURSAL: Mukhtaar Roobow waan soo daynayaan ama waan is-casilayaan


Baydhabo (PP) ─
Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Somalia, Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan ayaa shalay kula kulmay Baydhabo Odayaasha, Wax-garadka, Dhallinyarada, Haweenka, Culummada iyo Xillibaannada kasoo jeeda beesha uu ka dhashay Sheekh Mukhtaar Rooboow, ayaa u sheegay inay ka go’an tahay inay soo daayaan Wadaadkan oo u xiran Dowladda Somalia.

Odayaasha dhaqanka ayaa dhankooda soo jeediyay qodobbo dhawr ah oo la xiriira xaaladihii ka dhacay Baydhabo Intii lagu guda jiray doorashadii ka dhacday Koonfur-galbeed iyo shaqaaqooyinkii lagu xiray Rooboow.

Sidoo kale, odayaasha ayaa warbixinnadii ay siiyeen Guddoomiyaha Golaha Shacabka kaddib, waxay dalbadeen inay diyaar u yihiin ayna soo dhaweynayaan dib u heshiisiinta uu wado maadaama uu yahay mas’uulka labaad ee ugu sarreeya dalka , isla makraana matala oonfur-galbeed.

Dhanka kale, odayaasha ayaa codsaday in Guddoomiyaha uu ka shaqeeyo sidii uu xorriyadiisa u heli lahaa Sheekh Roobow, sidoo kalena ay u baahan yihiin in sida ugu dhaqso badan looga shaqeeyo sidii loo soo dayn lahaa.

Guddoomiyaha Barlamaanka Somalia, Maxamed Mursal ayaa intaas kaddib odayaashii uu la kulmay u ballan-qaaday in qodobbadii ay soo jeediyeen uu si deg-deg ah wax uga qaban doono.

“Waxaan maanta idiin ballan-qaadayaa in xorriyadiisa uu heli doono Sheekh Mukhtaar Rooboow, arrintaas intii aan soo bixin ayaan ka wada-hadalnay madaxweynaha Iyo ra’isul wasaaraha, arrintaas ayaana idiin kugu bishaareynayaa,” ayuu yiri Guddoomiye Mursal.

Afhayeenka ayaa sidoo kale odayaasha iyo qaybihii kala duwanaa ee kulanka kasoo qayb-galay ku qanciyay inaysan cidna raalli ka ahayn qaabkii loo maray xariggii Mukhtaar Roobow.

“Waad og-tihiin aniga ahaan dhawr mar ayaan ka hadlay in Rooboow uu la mid yahay musharraxiinta kale, farahana laga qaado xitaa waxaan dalbaday in doorashada dib loo dhigo xaalad walboo Mukhtaar lagula dhaqmay aniga raalli kama ahayn,” ayuu hadalkiisa ku daray Gudoomiye Mursal

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Barlamaanka DF ayaa u ballan-qaaday odayaasha dhaqanka in Mukhtaar Roobow uu banaanka keei doono haddii kalena ay isaga iyo madaxweynaha Koonfur-galbeed C/casiis Lafta-gareen ka dagi doonaan kuraasta ay ku fadhiyaan.

DHAGEYSO; Hadalka Afhayeenka BF So malia uu ka jeediyay Baydhabo;

PUNTLAND POST