Duqa Magaalada Muqdisho oo ka Qayb-galay Daah-furka Siyaasadda Barakacayaasha

Muqdisho (PP) ─ Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisoow, ayaa sheegay in siyaasadda barakacayaashu ay diiradda saarayso hannaan dib loogu dajinayo barakacayaasha isla markaana lagu abuurayo nolol wanaagsan oo horumarka bulshada uga qeyb qaataan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayay buugga Siyaasadda hagaysa barakacayaasha oo diyaariyey maamulka Gobolka Banaadir.

“Waxaan qorsheynaynaa sidii aan deegaameyn dhammeystiran ugu sameyn lahaa barakacayaasha, duruufta adag ee ay la noolyihiinna aan garab uga siin lahayn, taas oo u baahanna in aan dadaalladeena u mideyno, wax-qabad muuqdana aan ka muujinno.”

Eng.Yarisow ayaa ku bogaadiyey dadka barakacayaasha ah dhabar adeygga iyo dadaalka ay ku maareeyeen xalaadihii nolaleed ee soo maray, isagoona tilmaamay in mudnaanta la siiyey tallooyinkii iyo aragtida ay ku darsadeen siyaasadda xal u helista barakacayaasha ee maanta la soo bandhigay.

“Barakacayaasha ku nool gudaha Caasimadda waxay soo mareen duruufo adag, siyaasaddan aan dajinayna waxay diiradda saaraysaa sidii xal waara loogu heli lahaa, gaar ahaan arrimaha dib u dajinta barakacayaasha ku nool Muqdisho”.

Ugu dambeyn, Munaasabadda ayaa waxaa sidoo kale hadallo ka jeediyey Wasiirro ka tirsan XFS, Maamulka Gobolka Banaadir, Hay’adaha qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo marti sharaf kale.

PUNTLAND POST