Caleema-saarka Deni: Madal kulmin doonta mucaarad iyo muxaafid

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni

Magaalada Garoowe ee caasimadda dowladda Puntland waxaa ka socota, diyaarinta caleema-saarka madaxweynaha cusub Siciid Cabdullaahi Deni ,oo la qorsheeyay in ay dhacdo, 26 bishan Jannaayo ee ku beegan sabtida todobaadka dambe.

Madaxweynaha oo la doortay 8-dii bishan Jannaayo, ayaa isla maalintii xilka uu la wareegay ee 14-kii bisha, wuxuu magacaabay afar guddi oo u xil-saaran qaban-qaabada iyo diyaarinta xafladda caleema-saarkiisa oo si cajiib ah loo agaasimayo.

Guddiyada ayaa ka kooban; guddiga Xiriirka, Casumaada iyo soo dhoweynta, guddiga marti-gelinta, dejinta iyo gaadiidka, guddiga diyaarinta goobta xaladda iyo guddiga amniga,waxaana dhammaantood ku midaysan yihiin, qaban-qaabada iyo diyaarinta caleema-saarka madaxweynaha.

Yaa ka soo qeyb galaya caleema-saarka madaxweyne Deni?

Xafladda oo loo diyaarinayo si hab-maamuus cajiiba leh, ayaa waxaa ka soo qeyb gelaya, madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo), wasiiro ka tirsan xukuumadda, xildhibaanno ka socda labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya iyo dhammaan madaxda maamul goboleedyada dalka.

Madaxweynayaal iyo ra’iisul wasaarayaal hore.

Waxaa lagu casumay laba kamid ah madaxweynahayaashii hore ee dalka,Xassan Sheikh Maxamuud iyo Sheikh Shariif Sheikh Axmed iyo laba kamid ah ra’iisul wasaarayaashii hore, Cali Maxamed Geeddi iyo Cabdiweli Sheikh Axmed Maxamed, wasiirro iyo xildhibaanno hore.

Mucaaradka iyo Xisbiyada dalka.

Ilo’xog ogaal ah oo Garoowe ku sugan ayaa sheegaya, in xubno ka socda xisbiyada dalka iyo siyaasiyiiinta mucaaradka lagu casumay xafladda caleema-saarka, balse faahfaahin kale lagama hayo, inkastoo Xassan Sheikh iyo Sheikh Shariif laftoodu ay matalayaan  xisbiyo siyaasadeed.

Mas’uuliyiinta ka imaanaya dalalka deriska ah.

Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Ethiopia, Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) iyo wasiiro ka tisan xukuumaddiisa ayaa lagu casumay caleema-saarka madaxweynaha. Sidoo kale dalka Kenya waxaa la casumay, hoggaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamanka Kenya, Aadan Barre Ducaale iyo wefdi uu hoggaaminayo oo ka imaanaya magaalada Nairobi. Mas’uuliyiin ka socda dalka Djibouti ayaa iyanaya ku casuman caleema-saarka.

Dhanka Beesha Caalamka

Madax ka socota urur goboleedka IGAD, Midowga Afrika, safaaradaha dalal ay ku jiraan Turkiga iyo Imaaraadka, xubno ka socda hay’adaha Qaramada Midoobay iyo wakiilo kale oo heer caalami ah ayaa ka soo qeyb galaya caleema-saarka madaxweyne Deni .

Madal kulmin doonta mucaarad iyo muxaafid!

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynihii hore Xassan Sheikh Maxamuud oo hoggaamiya siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa ka soo wada-qeyb galayaa xafladda caleema-saarka. Sidoo kale Axmed Madoobe iyo Xaaf oo xurguf siyaasadeed kala dhexayso dowladda Federaalka ayaa iyaguna ku casuman xafladda.

PUNTLAND POST

Cabdiraxmaan Ciise Cumar