Askarta Muslimiinta ah ee ka tirsan Ciidanka Kenya oo billaabay inay ka baxaan Ciidamada

Nairobi (PP) ─ Askarta Muslimiinta ah ee ka tirsan cidiamada Kenya ayaa la sheegay inay billlaabeen inay isaga baxaan ciidamada, iyadoo shanti sano ee lasoo dhaafaya ay ciidanka KDF-ta Kenya isaga ka baxaan boqolaal akari oo muslimiin ah.

Maqaal uu qoray wargeyska The Star  oo kasoo baxa Kenya ayaa sheegay in Wasaaradaha Gaashaandhigga iyo amniga Kenya ay qabteen Warqadaha is-casilaadda saraakiisha iyo codsiyada askarta kale ee ka baxaya ciidamada.

Askartan isaga baxa ciidamada KDF-ta ayaa ku doodaya in walaac xoog leh ay ka qabaan habka ay ula dhaqmaan taliyayaasha ugu sarreeya ciidamada Kenya xilliyada ay socdaan hawl-gallada lagu sugayo amniga iyo kuwa kale ee looga hortagayo cadowga.

Sidoo kale, Mid ka mid ah Saraakiisha is-casishay ayaa u sheegay The Star in sababta uu is casilay tahay kaddib markii ay aamini waayeen saraakiisha kaga sarreysa ciidanka. Isagoo intaas ku daray in ciidamada iyo saraakiisha muslimiinta ah ee ka tirsan ciidanka difaaca Kenya loo diro gobolka Waqooyi-bari, xadka Somalia iyo goobaha kale ee ay ku xoogga nyihiin Al-shabaab.

Waxyaabaha kale  ee ay uga baxayaan ciidanka ay ku sheegeen in ciidanka gudahiisa aan si wanaagsan loola dhaqmin, laguna shaabadeeyo argagixiso, mushaarkooda oo aysan u helin sida ay u helaan ciidanka kale iyo habka ku dhex-noolaanshaha askarta kale oo ku adkaatay.

“Hadda ka hor aniga iyo afar saaxibaday ah ayaa naloo diray magaalo xadka ku taalla si aan uga saarno Al-shabaab, waxaa na-looga wacay Nairobi, sababta nal-ooma sheegin, mar dambe ayaan ogaannay in nalaga shakiyay inaan hawl-galkaas si wanaagsan u qaban,”ayuu yiri sarkaal ka mid ah kuwa ka baxaya ciidamada Kenya.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Kenya, Njoka Mwenda ayuu wargeyska wax ka weydiiyay arrintan, wuxuuse codsaday in arrinta ay xasaasi tahay isla markaana waqti dheer la siiyo si uu uga jawaabo.

Dhanka kale, Afhayeenka ciidamada difaaca Kenya, David Obonyo iyo taliyaha booliiska Kenya, Isaiah Osugo ayaa diiday inay ka jawaabaan arrintan.

Maalintii Salaasada ahayd ee lasoo dhaafay sarkaal ka tirsan ciidanka difaaca Kenya oo ku sugnaa saldhigga deegaanka  Embu, ayaa waxaa xiray ciidanka la dagaallanka argagixisada ee Kenya, wuxuuna ka mid yahay saraakiisha muslimiinta ah ee ka tirsan ciidamada milateriga Kenya.

Saraakiisha Muslimiinta ah qaarkood ayaa lagu tuhmayaa in ay Al-shabaab u gudbiyaan xogta sirdoonka Dowladda Kenya. Waxaa kaloo intaas u dheer marka ay saraakiisha ciidanka ku wareejiyaan Warqadaha is-casilaadda una sababeeyaan, waxaa loogu jawaabayaa inay doonayaan inay ku biirayaan Al-shabaab, sababtaasna ay uga baxayaan ciidamada difaaca.

“Badankeen waxaan joognaa furumaha dagaalka, waxaan ka shaqeynaa meelaha ugu halista badan, sida Somalia, balse waxaa na-looga shakiyaa inaan xiriir la leenahay argagixisada, tani uma wanaagsana Taliyeyaasha, masaajidda ku yaalla xeryaha millatariga aad ayaa loo dabagalaa, waxaa lala socdaa casharrada, sidoo kale macallimiinta ayaa dabagal lagu hayaa,” ayuu yiri sarkaal ka baxay ciidamada Kenya.

Ugu dambeyn, Tan iyo markii uu dhacay weerarkii Ceel-cadde ayaa askar ka tirsan ciidamada Kenya waxaa lagu eedeeyay inay weerarkaas Al-shabaab u fududeeyeen, kaaso ay ku dhinteen in ka badan 200 askari oo Keenyaan ah.

PUNTLAND POST