Meydadka 4 ruux oo lagu arkay duleedka Muqdisho

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa meydadka afar ruux oo xalay lagu arkay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaaladda Muqdisho.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in meydadka oo afar ragg ah lasoo dhigay laamiga isku xira degmadda Deyniille ee gobolka Banaadir iyo deegaanka Ceelasha Biyaha xiligii salaadii Maqrib kadib.

Meydadka ayaa gacmaha iyo indhaha ka xirnaa waxaana xabado lagala dhacay qeybaha sare, sida madaxa iyo feeraha.

Ilaa haatan si dhab ah looma oga sababta loo dilay raggaan iyo dadkii ka dambeeyay.

Dhanka kale ma’uuliyiinta maamulka deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan arintaan.

Lama oga cida dishay ragaan iyo waliba cida ay ka tirsanaayeen.

PUNTLAND POST